Jowhar (Dawan)— Ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii ka dhacday Hirshabeelle ayaa aqbalay natiijadii kasoo baxday Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.
Sida lagu sheegay warbixinta Madaxtooyada Hirshabeelle, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qabtay casho-sharaf loo sameeyay xubnaha guddiga doorashooyinka, masuuliyiinta ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashooyinka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Jowhar ku sugnaa maalintii doorashada iyo marti-sharaf kale.
Warbixinta Madaxtooyada ayaa sheegtay in masuuliyiinta ururrada siyaasadda ay ka mahadceliyeen sida hufan ee nabadda iyo xasilloonida leh ee doorashooyinku u dhaceen, ayna aqbaleen natiijadii kasoo baxday guddiga doorashooyinka.
Sidoo kale, war kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, uu dadka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen qabsoomidda doorashadii dadweynaha ee ka dhacday 10 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle, isagoo sheegay in doorashadu si nabad ah ku soo dhammaatay.