Dhaqanside abwaankow Ababshihii dhallaankow Indhoweyd dhankeedii Dhigaalkaygi maansada Dhaad baan ku xirayo Ma dhanbalin halkeedii Mana dhimin shenkeedee Mana dhumin tixdaydii Dhoon baan ku shubayo Dhitadii ku keydshee Wuxu gogol dhiggiiyahay Dhallintii dalkaygaay Dheeha aan ka qaadee Bare iyo dhanbaalkii.
Dedaal kaan dhudhumine Dhumucdiisa gaarnee Dhan kastaba hanoqotee Noo dhalatay guushu e Waxa dhaliyey hadafkaa Dhabarkooda nagu sidey Dhallaankooda naga dhigay Waa bare dhanbaalkii.
Xafladdan dhalaashee Sida dheemnan iyo luul Dhaayuhu ku darareen Lagu dhaafay hadimada Waxaa soo dhakooloo Dhidibbada u taagoo Dhaliishana u diidoo Dhaqso soo abaabuley Waa bare dhan baalkii.
Dhalliney hubaashiin Dhalliney ogaalkiin Dhalliney aqoontiin Dhalliney garaadkiin Dhalliney hal-beeggiin Dhalliney socdaalkiin Dhalliney siday tahay Dhalliney wax lays baro Dhalliney wax lays faro Dhalliney wax loo kaco Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Dhaqankiyo hiddaha iyo Dheehashada tacliintiyo Dhanbaal kaad direysaan Adanuhu dhammaantii Dersi ay ka dheegtaan Dhaqan kana ka yeeshaan Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Duqaydiyo dhallaankiyo Gololada dhaclaha xiran Inta dhaqanka jecel iyo Inta dhiigga noo shubay Dheddigiyo laboodka le Dhulkeeney u gaartahay Dhaqan baan u leenahay Waa dhaxal awoowee Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii. Dhakhaatiirta qarankiyo Odayada sancada dhiga Dhurka jiilka noo baray Dhulka noo ilwaad furay Noo dhiibey oog kacay Naga dhiciyey cadowgana Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Dhulka baaristiisiyo Dhakhso loo ogaadiyo Dheemanta iyo luulkiyo Dhuumaha shidaalkiyo Dhagaxaanta dahabkiyo Biyihiiba laga dhuro Waxa dhaliyey guushaa Dhabta aan ka hadalnee Waa bare dhanbaalkii.
Aaladaha is dhaafiyo Hawadaa dhex qaadee Satalaydku dhiibee Dhegta qayb la saaree Diyaaradaha dhoofkee Dhakhsanaaya socodkee Arladaba dhammaanteed Soowada dhanbaliyee Gaadiid dhammaantii Badda qaar dhexqaade Buuraha dhulkaa mara Waxa dhaliyey guushaa Cilmi dhurashadiisiyo Waa bare dhan baalkii.
Dad caqliga dhitaystoo Garashadoodu dheertahay Dhankii aad ka eegtoba Dhaqankiyo asluubtana Dhaawaca ka jirayoo Dhowraaya diintana Dhammaantood rag iyo dumar Waxaa laga dhex helayaa Dhabta aan ka hadalnee Waa bare dhan baalkii.
Kuwa geela noo dhaqa Kuwa gidirka dhiinkiyo Dhaameelka ugubkiyo Dhulka noogu soofshee Dhitadana guryaha dhiga Geedka dhowrta geeyee Oo dhakaalka noo sida Oo dhaarta noo maray Cadowguna ka dhuuntee Dhulka aan xaraashayn Weligoog dhudhuminayn Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Kuwa dhuuxa noo shubay Kuwa dhaanka noo raray Kuwa dhaxanta naga raray Kuwa codowga naga dhigay Kuwa dhimirka noo furay Kuwa dheefta noo sida Dhiilahana noo talay Dhulka siir ku beeree Dhuguc iyo bisalkana Dhoomaha ka buuxshee Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Dhaadasha Qur’aaankiyo Dheegasha axkaamtiyo Towxiid ku dhaqankiyo Lagu dhigo ardiyo geed Dhowr godlna loo qoro Ama labo dharaarood Dubaaqooda lagu dhigo Lacanqariyo dhimirkood Ka dhaadhicnta Nebigana Dhaladkiisa sooyaal Dhigaal loogu sama falo Ku sar go’an dhab iyo xeel Dhacdo loogu sheegiyo Dhaxal ay u haystaan Ninna uusan dhiilliyo Dhofoorkiisa taagayn Sidii inu dhukaan yahay Ama uu dhabcaal iyo Dhoohane inuu yahay Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Dhudhunkii nin garabsada Dhaqankii ku weynyahay Marna aan ka dhoofayn Dhoobaduu ku noolyahay Dhul shisheeye aadayn Dhoof-qaran ka doonayn Saxaraha ku dhimanayn Dhimrkiisa magansada Hoggaamiye dhulkii jira Ka ilaasha dheelliga Maatadiisa dhicinkara Duqaydiisa dhacnsada Marka cadow u soo dhaco Uga dhiga mus iyo teed Isagoo dhifdhiif qaba Dhaqaaleeya duunyada Dheefsada markuu rabo Waxa ka dhiiba goortaa Dhabta aan ka hadalnee Dhalliney warkaa maqal Waa bare dhanbaalkii.
Anna soo dhameeyoo Dhisay oo hagaajoo Dhidibbada u aasee Ka ilaashey dheelliga Idinkuna dhammantiin Dhegihiina geliyoo Barashada ku dhaatoo Ubadkaa dhashaaniin Jahlinimo ka dhowroo Dhammaan tiin ka dhiidhiya Oo waxad dhex maaxdaan Waa bare dhanbaakii.