Muqdisho (Dawan) – Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo loo yaqaan “Jaamac”, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay diblomaasiyadda, hay’adaha amniga iyo xukuumadihii ugu dambeeyay ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Jaamac, oo ka hor doorashadiisa ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa sidoo kale soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Caddaaladda, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda federaalka.
Intii uu ka tirsanaa hay’adaha amniga, Jaamac wuxuu soo noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), halka uu sidoo kale mar noqday Agaasime ku-meelgaar ah, sida ku cad xogtiisa taariikh nololeed.
Kahor inta uusan qaban xilalka sare ee dowladda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuu ka soo shaqeeyay diblomaasiyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Wuxuu Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin la-taliye sare iyo sii-hayaha safiirka.
Jaamac wuxuu cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ku bartay Jaamacadda Ankara ee dalka Turkiga.