Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, isaga oo tilmaamay in xiriirradaasi ay qayb ka yihiin dadaallada Somaliland ugu jirto ballaarinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wareysi uu siiyay telefishinka i24NEWS, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in qaar ka mid ah iskaashiyadan ay hore u bilaabmeen, isla markaana ay sii kordhayaan, halka kuwo kalena ay weli ku jiraan marxalad horumarineed.
“Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo dalal kale oo badan ayaan la leenahay wada-shaqayn sii xoogaysanaysa. Qaar ka mid ah iskaashiyadan hore ayay u bilowdeen, wayna sii kordhayaan, kuwo kalena way iman doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Markii la weydiiyay goorta ay iskaashiyadani noqon karaan kuwo si buuxda u muuqda, Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in geeddi-socodku mar hore bilaabmay, isla markaana natiijooyinkiisa la dareemayo.