Muqdisho (Dawan)— Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Jilib lagu dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ay ku tilmaantay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in howlgalka, oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, uu dhacay habeenkii 1-da Oktoobar 2026.
Hay’addu waxay sheegtay in Nuunow uu hoggaaminayay waaxda amniyaadka Al-Shabaab intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024, isagoo sidoo kale adeegsan jiray magacyada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.
Sida ay NISA sheegtay, Nuunow wuxuu door ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro waaweyn oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin qaraxii Isgoyska Zoobe ee Muqdisho 14-kii Oktoobar 2017, weerarkii Ex-Control Afgooye iyo weerarkii loo yaqaanay Soobe 2. NISA waxay sidoo kale sheegtay inuu ku lug lahaa weerarro kale oo lagu qaaday hoteello iyo goobo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho.