Dhuusamreeb(Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa sheegay in Galmudug ay ka gudubtay isku dayo iyo shirqoollo uu ku tilmaamay kuwo lagu doonayay in lagu kala qeybiyo bulshada ku nool deegaannada maamulkaas.
Hadalkaan ayuu Madaxweyne Qoorqoor ka sheegay shir Golaha Wasiirrada Galmudug ay maanta yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta adeegyada dowladnimada.
Shirka ayaa warbixinno looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha Galmudug, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud ee deegaannada maamulka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ka hadlay kooxo ay Galmudug ku eedeysay inay faafinayaan dacaayado iyo warar been abuur ah, kuwaas oo lagu tilmaamay isku dayo lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida Galmudug.


