Muqdisho (Dawan)— Guddiga Fulinta Urur-siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa cod aqlabiyad leh Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ugu doortay musharraxa ururka ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle. Go’aanka ayaa lagu gaaray kulan ay maanta xubnaha guddigu ku yeesheen xarunta dhexe ee ururka, kaas oo uu shir-guddoominayay Xoghayaha Guud ee JSP, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.
Sida uu ururku sheegay, kulanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo inay ka dhacaan Hirshabeelle.
Guudlaawe, oo hadda ah madaxweynaha Hirshabeelle, ayaa magacaabistan ku raadinaya muddo-xileed kale, balse JSP weli ma soo bandhigin barnaamijkiisa doorashada iyo qorshaha ololaha.
Musharraxnimadiisa ayaa qayb ka ah qorshaha JSP uu ku doonayo inuu saamayn ballaaran ku yeesho hoggaanka dowlad-goboleedyada. Ururka ayaa hore Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Liibaan Axmed Xasan ugu kala magacaabay musharraxiintiisa Koonfur Galbeed iyo Galmudug.