Shabeellaha Dhexe (Dawan)- Cabdullaahi Maxamuud Odawaa, oo loo yaqaannay Faadhuud, ayaa Jimcihii 21-ka Agoosto lagu dilay deegaanka Tawakal, oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Faadhuud oo 57 jir ahaa ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2009, xilligaas oo uu ku sugnaa deegaanka Cali Gaduud, waxaana uu kooxda ka tirsanaa muddo ku dhow 17 sano.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Faadhuud wuxuu kooxda u qaabilsanaa sahminta dhulka iyo tilmaamidda goobaha ay ka samaysan karaan fariisimo qarsoon, iyo waddooyinka ay u adeegsan karaan dhaqdhaqaaqyada iyo abaabulka weerarrada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay inuu aqoonta uu u lahaa juqraafi ahaan gobolka u adeegsan jiray hagidda maleeshiyaadka iyo fududaynta howlgallada kooxda.