Muqdisho (Dawan) – Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaliil uu hore ugu jeediyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, isagoo sheegay in hadalladiisu aysan ku socon odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay dhexdhexaadinta xiisadihii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan oo ka hadlayay Miizaan Podcast ee Dawan Media ayaa sheegay inuu si weyn u qadarinayo odayaashii dhaqanka ee door ka qaatay yareynta xiisadihii ka dhashay iska horimaadyadii u dhexeeyay ciidamo ka tirsan dowladda iyo kooxo la xiriiray mucaaradka.
“Haddii aysan iyaga jiri lahayn, dadku isma nabadgaleen,” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in dhaliishiisu ay ku wajahneyd shaqsiyaad uu ku tilmaamay kuwo siyaasad ahaan u janjeera, isla markaana u shaqeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.