Addis Ababa (Dawan)– Toddobo urur oo hubeysan iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, oo ay ku jiraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) iyo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), ayaa ku dhawaaqay dhismaha isbahaysi cusub oo ka soo horjeeda xukuumadda Itoobiya.
Isbahaysiga cusub, oo lagu magacaabo Isbahaysiga Ciidamada Shucuubta Itoobiya ee Badbaadada, isla markaana loo soo gaabiyo Isbahaysiga Badbaadada, ayaa sheegay in ururrada xubnaha ka ah ay isku dubbaridi doonaan awooddooda siyaasadeed, bulsho iyo urureed.
Bayaan uu isbahaysigu soo saaray ayuu ku sheegay in ujeeddadiisu tahay in meesha laga saaro nidaamka uu hoggaamiyo Xisbiga Abiy Axmed ee Barwaaqo, lana dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, taas oo lagu maamulo axdi ku-meel-gaar ah.
Ururrada bayaanka lagu sheegay inay ku mideysan yihiin isbahaysiga ayaa kala ah:
Dhaqdhaqaaqa Qaranka Amxaarada ee Fano (AFMN)
Ciidanka Xoreynta Oromada (OLF–OLA)
Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF)
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF)
Jabhadda Midnimada Dimuqraadiga Kacaanka Canfarta (Ugugumo)