Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhammeystirtay Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta, oo ah qorshe cusub oo lagu hagayo horumarinta magaalooyinka, nidaaminta dhismaha guryaha iyo qorsheynta magaalooyinka dalka.
Siyaasaddan ayaa la dhammeystiray kadib shir laba maalmood socday oo lagu ansixinayay qorshahan, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya iyo wasaaradaha howlaha guud ee dowlad-goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan qaran oo nidaamiya kobaca magaalooyinka iyo dhismaha guryaha, xilli ay sii kordhayaan dhismayaasha dhaadheer ee kasoo baxaya Muqdisho iyo magaalooyinka kale.
“Dhisidda dabaqyo dhaadheer oo aan lahayn qorshe iyo nidaam cad ma ahan horumar waara,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, isaga oo raaciyay hadalkiisa “Waxaan u baahanahay siyaasado iyo nidaamyo hagaya sida magaalooyinka iyo guryaha loo dhisayo.”
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in siyaasaddan ay diiradda saareyso qorsheynta magaalooyinka, tayeynta dhismayaasha iyo dejinta hannaan mideysan oo lagu hago nooca iyo qaabka guryaha laga hirgelinayo dalka.
Wasiirka Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil, ayaa sheegay in siyaasaddan ay gacan ka geysan doonto dhismaha magaalooyin nidaamsan oo leh bilic iyo qorshe casri ah.


