Washington (Dawan)– Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa ilaa $5 milyan, taas oo la siinayo qofkii bixiya macluumaad horseedi kara in lasoo qabto Khadra Ciise, oo ah haweeney heysata dhalashada Netherland balse asal ahaan Soomaali ah, laguna eedeeyay inay xil sare ka haysay guuto haween ah oo ka tirsan kooxda Daacish.
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, ay ahayd madaxa tababarka shareecada ee guutada Nusaybah Katibah (ISIS-NK). Sida lagu sheegay xogta uu Mareykanku soo saaray, Khadra waxay heysatadaa dhalashada Netherland waxayna ku dhalatay Soomaaliya. Waxay sannadkii 2014 u safartay Suuriya si ay ugu biirto Daacish. Waxaa la sheegay inay halkaas ku qaadatay tababar la xiriira adeegsiga hubka, walxaha qarxa iyo fulinta weerarrada ismiidaaminta ah.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay Khadra Ciise inay si joogto ah ugu ololeyneysay adeegsiga rabshadaha, si ay xubnaha Daacish ugu dhiiradaan inay weerarro ka fuliyaan dalal kala duwan. Waxaa kale oo lagu eedeeyay inay faafin jirtay fikirka kooxda, qori jirtayna xubno cusub.
Nusaybah Katibah ayaa ahayd guuto dagaal oo haween keliya ka kooban, laguna aas-aasay magaalada Raqqa ee Suuriya sannadkii 2016. Guutada ayaa loo sameeyay qorista, abaabulka iyo tababarka haweenka dagaalamayaasha ah.