Moscow (Dawan)- Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku biiray kormeerayaasha caalamiga ah ee la socda doorashada Duma-da, oo ah aqalka hoose ee Baarlamaanka Ruushka, sida ay sheegtay sabtidii Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Wafdiga waxaa qeyb ka ah Kassim Haroun Ali, oo ka tirsan hay’adda difaaca xuquuqda muwaadiniinta Jabuuti. Howlgalka kormeerka doorashada ayaa soconaya muddada u dhexeysa 16-ka iyo 23-ka Sebteembar.
Cod-bixiyeyaasha Ruushka ayaa dooranaya 450-ka xubnood ee Duma-da, iyadoo codbixintu ka dhacayso xarumo ku kala yaalla gobollada dalka.
Wafdiga Jabuuti ayaa qeyb ka ah kormeerayaal shisheeye oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku casuumeen inay la socdaan doorashada. Kormeerayaasha waxaa ka mid ah wakiillo hay’adeed iyo mas’uuliyiin rasmi ah oo ka kala socda dalal dhowr ah.
Howshooda ayaa diiradda lagu saarayaa habsami-u-socodka codbixinta, u hoggaansanaanta nidaamka doorashada iyo hufnaanta maamulka xarumaha codbixinta.