Wajeer (Dawan)– Warbixin cusub oo lagu qiimeeyay waxqabadka waxbarashada ee dalka Kenya ayaa muujisay in deegaanka Koonfurta Wajeer uu ka mid noqday shanta deegaan ee dalkaas sida weyn u horumariyay heerka waxbarashada, kadib markii si hufan loo maareeyay dhaqaalaha Sanduuqa Horumarinta Deegaannada Baarlamaanka (NG-CDF), iyadoo uu hoggaaminayo xildhibaanka deegaankaas Maxamed Caddow.
Barnaamijka deeqaha waxbarasho ee macallimiinta ee deegaanka ayaa si rasmi ah loo daahfuray bishii Oktoobar 2022, iyadoo ujeeddadiisu ahayd in xal waara loo helo yaraanta ba’an ee macallimiinta ka jirtay dugsiyada deegaanka.
Mashruucan ayaa yimid kadib markii Guddiga Adeegga Macallimiinta uu gobolka Waqooyi Bari ka raray kumannaan macallimiin oo aan deegaanka u dhalan, taas oo si weyn u saameysay nidaamka waxbarashada.


