Bari (Dawan ) – Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaalad cudur looga shakiyay oo laga soo sheegay deegaanno ka tirsan gobolka Bari, halkaas oo dad ay kasoo muuqdeen calaamado caafimaad darro oo kala duwan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in xaaladaha caafimaad laga soo sheegay deegaannada Gaatir Oodan, Sheebaab, Kayaxa, Dhaadar, Dasaan iyo Xankookib ee gobolka Bari.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka uu saameeyay xanuunka lagu arkay calaamado ay kamid yihiin qandho, matag, neef-qabatin iyo af-qalal.
Ilaa hadda, xarumaha caafimaadka ee deegaannadaasi ayaa la geeyay 32 qof oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.


