Laascaanood (Dawan ) – Ciidamada Booliska Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa sabtidii howlgallo amni ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Togdheer, iyada oo lagu bartilmaameedsanayey ka hortagga ka ganacsiga maandooriyaha iyo falalka tuugnimada.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in todobo qof oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha la qabtay, kuwaas oo la horgeyn doono maxkamad si sharciga loo marsiiyo. Waxa uu Boolisku sidoo kale soo bandhigay mooto la sheegay in horay loo xaday.
Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Buuhoodle, Fahad Cabdikariin, ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu sifeynayo maandooriyaha iyo falalka amni darrada. “Ciidanka amniga waxaan faray inay si isku mid ah ula dagaallamaan dhammaan falalka sharci darrada ah,” ayuu yiri.


