Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh.
Maamulka ayaa xusay in roobab ka da’ay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ay sababeen dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 25 kale, halka 225 qoys ay noqdeen barakacayaal kadib markii guryahoodii ay burburiyeen roobabkaasi.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Waqooyi Bari ayaa tilmaamay in fatahaadaha roobabka ay sidoo kale sababeen burburka iskuullo, masaajidyo iyo adeegyada isgaarsiinta.


