Laascaanood (Dawan) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa helay xaruntiisii ugu horreysay ee gurmadka degdegga ah, kaddib markii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Dowladda Shiinaha ay iska kaashadeen dhismaha xarunta cusub.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Maxamed Diiriye Shariif,ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Maamulka Waqooyi Bari.
Xaruntan ayaa noqonaysa xaruntii ugu horreysay ee gurmadka degdegga ah ee Maamulka Waqooyi Bari, iyadoo dhismaheeda ay iska kaashadeen SoDMA iyo Dowladda Shiinaha.
Hirgelinta xarunta ayaa qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo adeegyada gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, iyadoo la fulinayo amarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in xaruntan ay tahay qeybta koowaad ee mashruuc ballaaran oo hay’addu doonayso inay ka hirgeliso Maamulka Waqooyi Bari.