Laascaanood (Dawan) – Taliska Qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dhakhaatiirta ka shaqeeya deegaannada Waqooyi Bari ay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, isla markaana soo gudbiyaan dukumiintiyadooda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska.
Amarkan ayaa lagu sheegay inuu daba socdo awaamiir hore oo ka timid Wasaaradda Caafimaadka, waxaana lagu faray dhammaan dadka ku shaqeeya mihnadda caafimaadka inay u hoggaansamaan nidaamka diiwaangelinta.
Booliska ayaa u qabtay dhakhaatiirta waqti kama dambeys ah oo ku eg 3-da May 2026, si ay u soo gudbiyaan dukumiintiyadooda, sida bayaanka lagu xusay.


