Muqdisho (Dawan) – Warbixin cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS) iyo UNICEF ayaa muujisay in in ka badan 80 boqolkiiba carruurta Soomaaliyeed ee da’doodu u dhaxayso 5 illaa 17 sano inay wajahayan saboolnimo dhinacyo badan leh, taas oo saameyn ku yeelata adeegyada aasaasiga ah ee nolosha.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 70 boqolkiiba carruurta ka yar shan sano ay la kulmaan ugu yaraan laba baahi oo waaweyn isku mar, halka in ka badan 80 boqolkiiba carruurta da’doodu u dhexeyso 5 ilaa 17 sano ay wajahaan laba ama in ka badan oo ka mid ah baahiyaha muhiimka ah sida waxbarashada, hoyga, biyaha, fayadhowrka, nafaqada iyo helitaanka macluumaadka.
Natiijooyinka daraasadda ayaa tilmaamay in saboolnimada carruurta Soomaaliya aysan ku koobnayn dakhli yari oo keliya, balse ay tahay saboolnimo dhinacyo badan leh oo ka jirta adeegyada muhiimka u ah korriinka iyo horumarka carruurta.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in carruurta ku nool miyiga iyo bulshada reer guuraaga ah ay yihiin kuwa ugu daran ee ay saameeyeen baahiyahan isbiirsaday, gaar ahaan dhinacyada hoyga, fayadhowrka iyo waxbarashada. Hoyga iyo fayadhowrka ayaa lagu tilmaamay labada baahi ee ugu badan ee saameeya carruurta Soomaaliyeed guud ahaan dalka.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in carruurtu yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana loo baahan yahay xog sugan si loo qorsheeyo adeegyo iyo maalgashi wax ku ool ah.