Sii hayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Justin Davis oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dawan ayaa uga hadlay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, Doorashada isagoo caddeeyay mowqifka dowladdiisa ee dhammaan arimahan.
Wareysiga waxaa qaaday Tifaftiraha arrimaha siyaasadda Zamzam Osman iyo Agaasimaha tifaftirka Dawan.
Halkan ka aqriso wareysiga oo dhameystiran:
---
Dawan: Maku lug leedihiin wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka Soomaaliyeed?
Justin Davis: Muddo ayaan wada hadlaynay labada dhinac si aan xaaladda jirta si wanaagsan ugu fahamno. Waan soo dhaweyn lahayn fursad aan goobjoog uga ahaano wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, balse Mareykanku ma martigelinayo, mana hoggaaminayo dhexdhexaadinta. Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaashooda.
Waxaan taageersanahay xal nabadeed oo laga gaaro khilaafka siyaasadeed, waxaana ku boorrineynaa dhinacyada inay u furnaadaan wada-hadal iyo tanaasul. Arrintan ma aha mid ay xallineyso matalayaasha caalamka
Beesha caalamku waxay rajaynaysaa inay aragto horumar laga sameeyo wada-hadallada toddobaadkan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Waxaa lama huraan ah in Soomaalidu aragto hoggaamiyayaashooda oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulaya si dalka hore loogu dhaqaajiyo.
Su’aashu waxay tahay; hoggaamiyayaasha Soomaalidu ma waxay fursad siin doonaan in la gaaro guul mise in lagu sii jiro loollan?. Dalkani wuxuu soo maray dagaallo aad u adag, Waxaana lama huraan ah in halganka xiga uu noqdo mid fursad u noqda guusha, nabadda iyo barwaaqda
Waxaan arkay bulshada Soomaaliyeed oo ka hor imaaneysa dadka carqaladeeya geeddi-socodka kuwaas oo aan ka shaqayneynin danaha shacabka Soomaaliyeed.
Dawan: Hadda Waa maxay mowqifka Mareykanka ee xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya?
Mowqifkeennu isma beddelin: Shacabka Soomaaliyeed ayaa dooranaya hoggaamiyeyaashooda, habraaca iyo jadwalka doorashooyinka waa mid u gaar ah iyaga .
Sida uu sheegay Nick Checker, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Afrika, Mareykanku waxa uu dib u habeyn ku sameynayaa xiriirkiisa dalalka qaaradda Afrika, isagoo ku saleynaya iskaashi faa’iido wadaag ah. Sidaas darteed, uma yeerineyno Soomaalidu sida ay u dooranayaan hoggaankooda. Si kastaba ha ahaatee, cidina ma rabto in khilaafaadka siyaasadeed ay isu beddelaan rabshado. Taasi waxay dhaawac ku tahay Soomaaliya, sidoo kalena waxyeello ayey u keeni kartaa danaha Mareykanka iyo joogitaankiisa halkan. Waxay saameyn taban ku yeelan kartaa dhamaan dhinacyada, haddii xaaladdu xumaato.
Mucaaradnimonabdoon waxay bulsho kasta u tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa in bulshada dhexdeeda ay jiraan fursado badan oo leh argatiyo kala duwan. In awood loo adeegsado dibadbaxayaal nabadeed ma ahan wax la aqbali karo.


