Hargeysa, 7 Diseembar 2025 – Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayanle, ayaa iska casilay xilkiisa habeenkii Sabtida, kadib markii xukuumaddu ka laabatay qabashada xuska buugga Xeer Ciise.
Ayaanle oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in go’aankii markii hore lagu fasaxay xuuska ee rabshadaha, dhimashada iyo dhaawaca dhaliyay uu ahaa go’aanka xukuumadda uuna isaga ku dhawaaqay.
Wuxuu intaa ku daray in go’aankaas uu ahaa mid xanuun ku ahaa reerkiisa, halka go’aanka la baajiyey uu ahaa mid qabow oo madaxweynaha uu qaatay, taasina aysan isaga qaban.








