Muqdisho 17 December 2025 (Dawan)– Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa tababar ku saabsan k hab-dhaqanka warbaahinta inta lagu jiro xilliga doorashada u furay warfidiyeeno loogu talagalay inay tebiyaan doorashooyinka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tababarkan lagu xoojinayo hufnaanta doorashada iyo doorka warbaahinta ee tebinta saxda ah, isagoo xusay in in ka badan 100 wariye ay ka qeyb qaadanayaan tababarka, kuwaas oo si toos ah uga shaqeyn doona tebinta doorashada.
“Suxufigu waa dhegta shacabka Soomaaliyeed; waxa aad u sheegtaan ayay dadku rumeysanayaan. Sidaa darteed, waxaan idinka codsanayaa in wararka aad tebisanaysaan ay noqdaan kuwo run ah, dhexdhexaad ah, kana tarjumaya xaqiiqada ka jirta goobaha doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.



