Muqdisho, (Dawan)- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ayaa hawlgal duqeyn ah ka fuliyay gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu burburiyay warshaddii ugu weynayd ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanayd soo saarista qaraxyada, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
"Xarunta gabi ahaanba waa la burburiyay intii uu hawlgalku socday," ayay Wasaaraddu ku tiri qoraal ay soo saartay
Duqeynta oo xalay ka dhacday degmada Saakow ayaa lagu beegsaday xarun ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen tiir muhiim u ahaa awoodda farsamo ee Al-Shabaab, gaar ahaan diyaarinta iyo isku dubaridka qaraxyada nooca miinooyinka iyo aaladaha qarxa ee macmalka ah . Hawlgalkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 18 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen xubno khibrad u lahaa farsamaynta qaraxyada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xaruntaas si buuxda loo burburiyay, taasoo keentay dhabar-jab culus oo ku yimid awoodda weerar ee Al-Shabaab. “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan go’aankooda ah in la sii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana adkeeyo dadaallada lagu dhowrayo badbaadada iyo amniga shacabka.” ayaa lagu yiri bayaanka.







