Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi diyaargarow ah oo loogu gogol xaarayo Shirka Amniga Gudaha ee la qorsheeyay inuu qabsoomo bisha Sebtembar. Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd diyaarinta ajendayaasha shirka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga.
Aqoon-isweydaarsiga waxaa ka qeyb galay hay’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda Amniga Gudaha, wasaaradaha kale ee dowladda ee ka shaqeeya arrimaha amniga, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo bah-wadaagta dowladda ee taageera dib-u-habaynta iyo horumarinta amniga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Xasan Shire, ayaa sheegay in kulankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu diyaarinayo Shirka Amniga Gudaha, isagoo xusay in doodaha lagu saleynayo saddex qodob oo muhiim u ah horumarinta hay’adaha amniga, kuwaas oo kala ah korjoogteynta hay’adaha amniga, isla xisaabtanka iyo isku-xirka hay’adaha amniga.