Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay iibinta, iibsashada iyo kala wareejinta dhul iyo dhismayaal ay ku leedahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasaaraddu waxay qoraal rasmi ah oo uu saxiixay Agaasimaha Guud Maxamed Xasan Cabdulle ku sheegtay in digniintu khusayso dhulalka ku yaalla Buundo Carbis iyo Lafoole iyo deegaannada kale ee ku dhow Afgooye.
Hantida lagu xusay qoraalka waxaa ka mid ah dhulkii mashruuca fidinta beeraha ee Ex-AFMET, dhulka iyo dhismayaasha Jaamacadda Beeraha, Dugsiga Beeraha iyo dhulalka kale ee wasaaraddu ku leedahay aaggaas.
Wasaaraddu waxay uga digtay dadka iibinaya, iibsanaya, kala wareejinaya ama dhexdhexaadinaya heshiisyada la xiriira hantidaas inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyadaas.
Nootaayooyinka iyo dadka diyaariya ama sharciyeeya heshiisyada ayaa sidoo kale lagu amray inaysan ansixin wax heshiis ah oo ku saabsan dhulka wasaaradda haddii aan loo haysan oggolaansho rasmi ah oo qoraal ah.