Wasaaradda ayaa digniin adag u dirtay dhammaan doomaha yaryar ee ku sugan badda, iyadoo ku wargelisay in xaaladda badda ay hadda tahay mid aad u kacsan, taas oo sare u qaadi karta halista shilalka iyo waxyeelada ka soo gaari karta doomaha iyo kalluumeysatada. Waxaa la faray inay si gaar ah uga digtoonaadaan inay sir joogaan inta lagu jiro xilligan kacsanaanta badda.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa ugu baaqday shacabka inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada xeebaha ku dhow, sida dabaasha iyo in la agdhawaado xeebaha, si looga hortago halista ka dhalan karta mowjadaha xooggan iyo cimilada aan degganayn ee waqtigan ka jirta badweynta.


