Muqdisho – 7 Jannaayo 2026 (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay wajahayo “cadaw isku bahaystay oo gudaha iyo dibadda ah”, xilli uu maanta oo Arbaca ah ka qeybgalay xafladda qalin-jabinta dufcad cusub oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor.
Xafladda oo ka dhacday Akadeemiyada Tababarka Ciidanka ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho, ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay dardargelinayso hawlgallada milatari ee ka dhanka ah ururrada hubeysan ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dowladda ku tilmaantay khatar toos ah oo ku wajahan amniga qaranka iyo midnimada dalka.
Isagoo khudbad u jeediyay ciidamada qalin-jabiyay, ayuu Wasiir Fiqi carrabka ku adkeeyay doorka istiraatiijiyadeed ee ay ciidamada Gorgor ay ka qaadanayaan difaaca qarannimada iyo la dagaallanka waxa uu ku tilmaamay “Khawaarijta argagaxisada ah”.
"Dalka Soomaaliya waxaa isku soo bahaystay cadawyo badan; kuwa gudaha ee argagaxisada ah, kuwa kale oo munaafaqiin ah iyo cadow dibadda ka yimid oo shalay ay u dambaysay Hargeysa ka dagay. Cadowgaas haddaanan ka taqallusin, munaafaqiinta nagu jirtaa maalin kasta cadow bay noogu yeerayaan, maalin kastana mid bay gobol noo soo dajinayaan. Waxaa waajibkiinna hadda yahay inaad cadowgaan Khawaarijta ah ee argagaxisada ka taqallustaan, si aan u gudanno waajibkeena qaranka naga sugayo." ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.






