Soomaaliya, 4 Febraayo 2026 (Dawan) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah u doortay Dr. Maryam Qaasim Axmed inay noqoto Guddoomiyaha cusub ee guddiga, halka Maxamed Haaruun loo doortay Guddoomiye Ku-xigeen, iyada oo Fadumo Cabdiqani Yuusufna loo doortay Xoghayaha Guddiga.
Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa loo igmaday ilaalinta, horumarinta, iyo kormeerka xuquuqul insaanka guud ahaan dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo bulshada nugul iyo kuwa la haybsooco.
Guddiga Xuquuqul Insaanka waxaa hore u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sanadkii 2025, waxaana markii dambe saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha guddiga ayaa kala ah: Dr. Maryam Qaasim Axmed, Dr. Cumar Cabdulle Alasow, Farxaan Maxamed Jimcaale, Fadumo Cabdiqani Yuusuf, Maxamed Haaruun, Axmed Sheekh Xamsa, Mumiina Sheekh Cumar, Dr. Maxamed Cusmaan Maxamed, iyo Cali Maxamed Emli.
Ka dib doorashadeeda, Dr. Maryam Qaasim Axmed ayaa sheegtay in guddiga ka go’an tahay inuu dhageysto cabashooyinka bulshada isla markaana qaado tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo in la ilaaliyo xuquuqda dadka ugu nugul. Waxay tiri: “Waxaan go’aansannay inaan dhageysanno, isla markaana tallaabo wax ku ool ah qaadno si codka dadka nugul loo maqlo.”
Dr. Maryam Qaasim Axmed waa dhakhtarad Soomaaliyeed, khabiir ku takhasustay caafimaadka dadweynaha, siyaasi, iyo hoggaamiye xuquuqul insaan oo leh khibrad ballaaran oo ku saabsan adeegyada caafimaadka, arrimaha bini’aadantinimada, siyaasadda dadweynaha, iyo hoggaanka qaranka. Waxay ku dhalatay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1959-kii.







