Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa sheegay in hirgelinta dastuurka ay tahay hannaan ballaaran oo u baahan waqti, diyaarinta xeerar iyo sharciyo waafaqsan dastuurka, iyo dhismaha hay’ado cusub oo qaarkood uu dastuurku dhigayo.
Wasiirka oo ah guddoomiyaha Guddiga Fulinta Dastuurka ayaa hadalkan ka sheegay war-saxaafadeed ay maanta qabteen xubno ka tirsan guddiga, kaas oo faahfaahin looga bixiyey howlaha horyaalla guddiga iyo qorshaha lagu dhaqangelinayo dastuurka.
Xasan Macallin ayaa tilmaamay in dastuurka aan loo arki karin hal qodob oo keliya oo la hirgelinayo, balse uu ka kooban yahay qodobo isku xiran oo u baahan in si qorshaysan oo isdaba-joog ah loo dhaqan geliyo.
“Dastuurka si uu u dhaqan galo, wuxuu u baahan yahay xeerar iyo sharciyo, qaarkoodna waxay u baahan yihiin in hay’ado loo dhiso. Taasina waxay noqonaysaa xaalad kala-guur ah,” ayuu yiri wasiirku.