Muqdisho, 24 Abriil 2025 - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Abdul Amir Al-Shammari, ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan madaxweynaha u safrin dalka Uganda. Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay sii xoojinayaan xiriiradooda.
Wasiir Al-Shammari ayaa kulanka kadib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wareejiyay warqad casuumad ah oo uu ka waday Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, taas oo madaxweynaha Soomaaliya loogu casuumay in uu ka qayb galo shirweynaha Jaamacadda Carabta ee sannadkan, kaasoo lagu qaban doono magaalada Baqdaad ee Ciraaq bisha May.