Baydhabo, April 7 (Dawan) — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay maanta oo Talaado ah in Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#204 ee Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Guddiga ayaa sheegay in kursigaasi uu bannaanaa, isla markaana wasiirka loo doortay kadib markii musharraxii la tartamayay, Cabdirisaaq Cabdullaahi, uu ka tanaasulay tartanka.
Doorashada ayaa ka dhacday Baydhabo, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo baryahaan buuq siyasadeed oo weyn ku jirtay.
Si kastaba ha ahaatee, Isaaq Cali Subag, oo sheegay inuu hore kursiga ku fadhiyay, ayaa diiday natiijada doorashada, isagoo ku dooday in kursiga uusan bannaanayn, islamarkaana ay jirto faragelin siyaasadeed.
“Waxaan caddeynayaa in kursigii aan ku fadhiyay la iga qaaday,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay barta WhatsApp ee Golaha Shacabka iyo waraysiyo uu siiyay warbaahinta maxalliga ah.
Ma jirin jawaab degdeg ah oo ka timid guddiga ama mas’uuliyiin kale oo ku saabsan eedeymahaas.


