Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta oo Axad ah ka jawaabay hadallo uu jeediyay safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, C. Kâni Torun, isagoo difaacay isbeddellada dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya iyo u gudubka nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah.
Qoraal uu ku daabacay barta X ayuu Cabdulqaadir ku sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga duwan tahay xilligii uu Torun safiirka ka ahaa dalka, isagoo xusay in dowladda hadda ay xoogga saarayso dhismaha hay’adaha dowladda iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.
“Maanta Soomaaliya ma aha oo keliya dal lala xiriiriyo gargaar bani’aadannimo,” ayuu yiri Cabdulqaadir, oo afka Turkiga ugu jawaabay safiirka wuxuuna raaciyay “Soomaaliya waa dal leh mustaqbalka rajo wanaasgan.”
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya, iyadoo taageero ka heleysa saaxiibadeeda ay kamid tahay Turkiga, ay ka shaqeyneyso mashaariic la xiriira tamarta, difaaca iyo dhismaha dowladnimada.
Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii C. Kâni Torun, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Turkiga, uu soo jeediyay qorshe siyaasadeed oo ka kooban 10 qodob oo lagu xallinayo xiisadaha la xiriira khilaafaadka dastuurka iyo doorashooyinka Soomaaliya.
Torun ayaa ku baaqay wada-hadal, tanaasul iyo magacaabista ra’iisul wasaare madax-bannaan kadib waxa uu ku tilmaamay dhammaadka muddada dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya aan lagu qiimeyn karin aragtiyo uu ku tilmaamay kuwo duugoobay oo la xiriira marxaladihii hore ee colaadaha iyo xasillooni darrada.


