Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta oo Talaado ah ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni inuu dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay dalbadaan madax-furasho, isagoo ku baaqay in tallaabo adag laga qaado kooxaha maraakiibta ku haysta xeebaha Soomaaliya.
Fiqi oo hadalkan ka jeediyay Shirweynaha Qaranka ee Amniga Gudaha 2026 ee ka socda Muqdisho ayaa sheegay in Deni uu soo saaray bayaan, sida uu sheegay, difaacaya burcad-badeedda isla markaana dhiirrigelin kara dalabyo madax-furasho oo dheeraad ah.
“Waxaa ayaandarro ah in ninka hoggaaminaya maamulka uu soo saaro bayaan uu ku difaacayo burcad-badeedda, isagoo sheegaya inay lacag heleen, isla markaana kuwa maraakiibta haysta u sheegaya inay iyaguna lacag dalbadaan,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirku wuxuu ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu gacanta ugu jiraan burcad-badeedda inaysan bixin madax-furasho, isagoo sheegay in lacagahaasi ay dhaqaale siin karaan kooxaha burcad-badeedda ayna dhiirrigelin karaan afduubyo kale.
“lacag kasta oo aad siisaan burcad-badeedda wuxuu sii maalgelinayaa falalkan dambiyada ah, waxayna qasbeysaa oo ay dhiirrigelinaysaa inay maraakiib kale afduubtaan.” ayuu yiri Fiqi.
Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu soo deynayo maraakiibta iyo doomaha ay haystaan burcad-badeeddu, balse wuxuu ku adkeystay in aan lacag lagu maalgelin kooxahaas.
“Waxaan wadnaa dadaallo lagu sii deynayo maraakiibta iyo doomaha ay haystaan, laakiin ha maalgelinina. Lacag ha siinina burcad-badeedda,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inuu guto waajibaadkiisa amni, isla markaana taageero ciidamada qaranka Soomaaliya iyo ciidamada badda ee ay muddo dheer taageerayeen saaxiibada caalamiga ah.