Muqdisho 17 December 2025- (Dawan)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay qalabka codeynta ee loogu talagalay doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in dhammaan agabka doorashada uu diyaar yahay, isla markaana uu kaliya sugayo in loo daabulo goobaha codbixinta ee horay loo diyaariyey.
“Qalabka doorashada waa mid dhammeystiran, waxa uuna sugayaa in la geeyo goobaha codbixinta,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin, oo hadalkan ka sheegay xarunta guddiga xilli uu kormeer ku sameynayay qaybaha lagu diyaariyay qalabka doorashada.



