Boosaaso, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in uu qaaday weerar cirka ah oo is-difaacid wadareed ah oo lagu beegsaday kooxda daacishta Soomaaliya, agagaarka koonfur-bari ee magaalada Boosaaso, 1-da Abriil 2025. Weerarkan ayaa la fuliyay ka dib codsi rasmi ah oo uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya. AFRICOM waxay sheegtay in dagaalamayaal badan oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya lagu dilay weerarka, iyadoo aan wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka rayidka ah.
Si kastaba ha ahaatee, hal qodob oo ku jira bayaan rasmi ah oo AFRICOM soo saartay ayaa beeninaya sheegasho hore oo ka timid maamulka Puntland, taasoo ahayd in Mareykanka si toos ah ula shaqeeyo maamul goboleedka arrimaha la dagaalanka Daacish. Bayaanka AFRICOM ayaa si cad u muujinaya in dhammaan taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya – oo ay ku jiraan weerarrada cirka – ay ku yimaadaan kaliya codsi iyo isku-duwid ay la leeyihiin Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo muujinaysa door hogaamineed ee dowladda dhexe ee iskaashiga amniga caalamiga ah.