Soomaaliya (Dawan) – Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegay in gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya ay sii adkaanayso isla markaana ay noqotay mid ka qaalisan sidii hore, iyadoo abaarta, hoos u dhaca maalgelinta gargaarka iyo carqaladaha saadka caalamiga ah ay sii xumeynayaan xaaladda bani’aadannimo ee dalka. Hadalkan ayaa lagu sheegay inti uu socday shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku wada qabteen Khamiistii Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta WFP, Matthew Hollingworth, iyo Wakiilka WFP ee Soomaaliya, Xameed Nuur.
Hollingworth ayaa sheegay in colaadaha iyo xiisadaha caalamiga ah ee saameeyay marin-biyoodka Strait of Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha shidaalka, isla markaana ay carqaladeeyeen isu socodka badeecadaha, taasoo kordhisay kharashaadka howlaha gargaarka bani’aadannimo.
“Gaarsiinta gargaarka gudaha dalka aad ayay u adkaanaysaa isla markaana qaali ayay noqonaysaa. Sidoo kale, gaarsiinta badeecadaha ganacsiga ayaa sii adkaanaysa oo qaali noqonaysa, dadka ayaana si toos ah u dareemaya dhibaatadaas,” ayuu yiri Hollingworth.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay wajahayso dhibaatooyin badan oo isku mar ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin cunto yari ba’an, nafaqo-darro iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Sida ay sheegeen WFP iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya, ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ayaa wajahaya cunto yari, halka ku dhowaad laba milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an.
Guddoomiyaha SODMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in dalka uu wajahayo saameynta isku dhafan ee abaarta daba dheeraatay iyo roobab xooggan oo ka da’aya gobollada qaar, taasoo sare u qaadaysa cabsi laga qabo fatahaado la mid ah kuwii ba’naa ee dhacay sanadkii 2023.


