Woqooyi Bari (Dawan) – Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Woqooyi Bari, Axmed Diiriye, ayaa sheegay in ay diyaarinayan siyaasad lagu maareynayo ajaaniibta soo galaya kana shaqeynaya deegaannada Waqooyi Bari, xilli uu sheegay in amnigu soo hagaagayo, isla markaana dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha uu kordhayo.
Isagoo ka hadlayay xaaladda guud ee amniga, wasiirku wuxuu ammaanay hay’adaha ammaanka, isaga oo xusay horumar muuqda oo laga sameeyay xasilloonida, wuxuuna tilmaamay in wada-shaqaynta u dhaxaysa shacabka iyo booliiska ay door weyn ka qaadatay.
“Mar walba oo booliiska iyo shacabka ay wada-shaqeeyaan, waxaa meesha ka baxaya firaaqa amni-darro,” ayuu yiri, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashigan.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in ay sii kordhayaan dadka ajaaniibta ah ee imanaya, kuwaas oo isugu jira xirfadlayaal, macallimiin, maalgashadayaal iyo ganacsato, taas oo muujinaysa xaalad amni iyo deegaan ganacsi oo soo hagaagaya.


