Muqdisho (Dawan) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa ka wada hadlay xaaladaha maxaabiista iyo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta xuquuqdooda, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Kulanka ayaa dhex maray Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Maryam Qasim Axmed, iyo Wasiirka Cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud, waxaana lagu qabtay xafiiska wasaaradda ee Muqdisho Isniintii.
Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Wadahadallada ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladaha maxaabiista, kor u qaadidda ilaalinta xuquuqdooda, iyo horumarinta nidaamka cadaaladeed ee la xiriira carruurta iyo dadka nugul ee la macaamila nidaamka garsoorka.


