Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Axadii 60 maxbuus u qabtay munaasabad qalin-jabin ah kadib markii ay dhammaysteen tababaro isugu jiray aqris-qoris iyo xirfado shaqo intii ay ku jireen muddada xukunkooda, iyadoo mas'uuliyiintu sheegeen in barnaamijku uu qayb ka yahay dadaallada dib-u-habeynta iyo dib-u-dhexgelinta maxaabiista.
Maxaabiistan, oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee KM7 ee Muqdisho, ayaa lagu tababaray barashada aqrista iyo qorista iyo sidoo kale xirfadaha harqaanka iyo farsamada korontada. Waxay noqdeen dufcaddii ugu horreysay ee ka qalin-jabisa barnaamijka, iyadoo isla munaasabadda lagu daahfuray tababarka dufcad labaad oo ka kooban 70 maxbuus.
Barnaamijka waxaa hirgelisay Hay'adda KAALO Aid and Development Organization, waxaana laga fulinayaa Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucu uu ujeeddadiisu tahay in maxaabiista lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfado shaqo oo u sahlaya inay dib ugu biiraan bulshada marka ay dhammeystaan xukunkooda.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Ilyaas Sheekh Cumar, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), kuwaas oo ku boorriyay in la sii xoojiyo barnaamijyada waxbarashada iyo tababarrada xirfadeed ee maxaabiista.