Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Laftagareen ayaa magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudiga ka dhoofay maqribnamadii Axadda isaga isla habeennimo gaaray magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia, sida ay Dawan u xaqiijiyeen ilo qeyb ka ahaa qorsheynta safarkiisa.
Ujeedka safarka Laftagareen ayaa ah inuu Baydhabo ku gaaro dhanka dhulka isaga oo maraya xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia. Arrinkaan ayaa yimid kadib kala fogaansho dhanka aragtida doorashada iyo dastuurka ku saabsan oo soo kala dhex gashay madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.







