Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho si uu uga tacsiyeeyo geeridii Amiirkii hore ee dalkaas, Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye reebay dhaxal taariikhi ah oo ka muuqda horumarka Qatar iyo kaalinteeda gobolka iyo caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa saxiixay buugga tacsida ee safaaradda, wuxuuna tacsi u diray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, qoyska boqortooyada, dowladda iyo shacabka Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Amiirkii geeriyooday uu hormuud u ahaa isbeddelladii waaweynaa ee Qatar ka hirgalay, isagoo door muhiim ah ka qaatay koboca dhaqaalaha, casriyeynta dalka iyo sare u qaadidda doorka Qatar ee dunida Carabta iyo Islaamka.
“Geeridiisu ma aha oo keliya khasaare ku dhacay Qatar, balse waa mid ay dareemayaan dunida Carabta iyo ummadda Islaamka,” ayuu yiri Xamsa Cabdi Barre, isagoo xusay in Amiirkii hore uu si weyn uga shaqeeyay xoojinta iskaashiga iyo midnimada dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.