Soomaaliya, 7 Febraayo 2026 (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa amray in si degdeg ah loo fuliyo mashruuc weyn oo dhanka bullaacadaha iyo qashin-saarka ah oo laga hirgelinayo Muqdisho, si loola tacaalo daadadka soo noqnoqda iyada oo kor loogu qaadayo fayadhowrka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa amarkana bixiyey maanta oo Sabti ah kaddib kulan uu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo khubaro ka tirsan Mashruuca NAGAAD—kaas oo ah hindise uu taageero Bangiga Adduunka oo diiradda saaraya adkeysiga magaalooyinka—si dib loogu eego naqshadaha farsamada iyo wejiyada fulinta.
"Soo celinta quruxda caasimaddu waxay ku xidhan tahay nidaam bullaacadeed oo tayo sare leh," ayuu yiri Barre intii uu socday kulanku, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xamse waaxa uu faray hay’adaha ay khuseyso inay si degdeg ah u bilaabaan fulinta qorshaha, kaas oo isugu jira dib u furista dhuumihii hore iyo dhismaha kaabayaal cusub oo joogto ah.
Mashruuca NAGAAD, oo sidoo kale loo yaqaanno Mashruuca Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya Wejigiisa Labaad (SURP-II), waa hindise ku kacaya $253.5 milyan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo bixinta adeegyada bulshada iyo dhisidda kaabayaal u adkeysan kara isbeddelka cimilada ee magaalooyinka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Garowe, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb, iyo Beledweyne.







