Muqdisho – 21 Janaayo 2026 ( Dawan)- Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay ciidanka kumaandooska Danab iyo kuwa ammaanka dowlad-goboleedka Jubaland, kaddib dagaal ka dhacay magaalada xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday Arbacadii weerar gaadmo ah.
War-saxaafadeed uu soo saaray Arbacadii, ayuu Raysal Wasaaruhu ku sheegay in weerarka lagu fashiliyey feejignaan, wardoon iyo hoggaan wanaagsan, isaga oo ammaan u jeediyay taliyeyaasha, saraakiisha iyo askarta ka qayb qaadatay howlgalka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidanka geesiyaasha Danab iyo kuwa Jubaland ee maanta si nafhurnimo leh u jabiyay naftood halligayaasha Khawaarijta ee isku dayay inay weerar gaadmo ah ku qaadaan magaalada xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.
Raysal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska askarta ku dhimatay dagaalka, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, isaga oo ballan qaaday in dowladda federaalku ay garab istaag buuxa u noqon doonto ciidamada.






