Laascaanood (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, iyadoo ujeeddooyinka socdaalkiisa ay ka mid yihiin hirgelinta adeegyo bulsho iyo mashaariic horumarineed oo ay Dowladda Federaalka ka fulinayso deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi wasiirro ah oo la socda, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay hoggaanka maamulka Waqooyi Bari, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay Waqooyi Bari ka furaan xafiisyo iyo adeegyo ay bulshadu si toos ah uga heli karto adeegyada hay’adaha dowladda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu gaarsiinayo adeegyada dowladda deegaannada maamulka cusub.