Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xarun caafimaad oo casri ah ka hirgelisay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo taageero ka heshay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC). Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiga, iyo horumarinta nidaamka asluubta dalka.
Xarunta caafimaadka ayaa si rasmi ah loo daahfuray Jimcihii, waxaana xarigga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC), kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca adeegyada caafimaadka ee xabsiyada.
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, Daahir Cabdulle Raage, ayaa sheegay in xaruntan caafimaad ay daboolayso baahi muddo dheer ka jirtay xabsiga. Wuxuu xusay in hore maxaabiista xanuunsata loogu qaadi jiray isbitaallada bannaanka, balse hadda ay heli doonaan adeegyo caafimaad oo gudaha xabsiga ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ICRC ay muddo dheer taageero joogto ah siinaysay xabsiga, gaar ahaan dhinacyada dawooyinka, agabka nadaafadda, dayactirka xarumaha iyo gudbinta bukaanada u baahan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Madaxa ICRC ee Soomaaliya, Antonio Grand, ayaa sheegay in hay’addu ay ku faraxsan tahay hirgelinta xaruntan caafimaad, isagoo xusay inay gacan ka geysan doonto xaqiijinta in maxaabiistu helaan adeeg caafimaad oo aasaasi ah.