Laascaanood (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho ku tago magaalada Laascaanood, sida ay Dawan Media u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan dowladda federaalka oo codsaday inaan magacyadooda la baahin.
Booqashadan, oo weli aan si rasmi ah looga shaacin Madaxtooyada, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo ay dowladda federaalku ku doonayso inay ku xoojiso saameynteeda gobollada waqooyi, gaar ahaan kaddib aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland dabayaaqadii bishii Diseembar ee sannadkii dhamaaday.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in safarka madaxweynaha uu si dhow ula xiriiri karo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo loo yaqaan “Firdhiye”. Hoggaamiyahan ayaa la doortay 30-kii Ogosto 2025, si uu u hoggaamiyo dowlad-goboleedka lixaad ee kusoo biiray nidaamka federaalka Soomaaliya, kaas oo beddelay maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo.






