Laascaanood (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, taas oo ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee booqda magaalada tan iyo burburkii dowladdii dhexe.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Saado Cali ee Laascaanood, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Ujeeddada safarka madaxweynaha ayaa ah ka-qaybgalka xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo si rasmi ah loo doortay 30-kii Agoosto 2025. Munaasabaddan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama ay astaan u tahay dhammaystirka hanaanka dhismaha dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa isna maanta gaaray magaalada Laascaanood, isaga oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah. Ka hor madaxda qaranka, waxaa magaalada horay u sii gaaray wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, xildhibaano labada Gole ah, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa muhiimadda siyaasadeed iyo midda amni ee munaasabaddan.





