Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlad Soomaaliyeed oo xooggan ay tahay difaaca ugu muhiimsan ee dalku uga hortagi karo faragelinta dibadda iyo saameynta ay yeelan karaan dowladaha shisheeye.
Wareysi uu Madaxweynuhu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan ayuu kaga hadlay arrimo la xiriira madaxbannaanida qaranka, awoodda dowladeed iyo sida Soomaaliya uga hortagi karto cadaadisyada dibadda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado kala duwan oo ka jira dhinacyada amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo isu socodka shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay salka ku hayaan nuglaanshaha hay’adaha dowladeed.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladaha adduunka ay mar walba leeyihiin dano iyo ajandayaal u gaar ah, isla markaana aysan jirin dowlad ka tanaasuleysa danaheeda si ay u fuliso danaha dal kale.
“Dowladuhu dano ayay leeyihiin, siyaasad ayay leeyihiin, ajandayaal ayay leeyihiin wayna dhaqan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Waxa uu sheegay in xal u helidda arrimahaas aysan ku jirin eedeyn joogto ah oo loo jeediyo dowladaha dibadda, balse ay ku jirto in Soomaaliya yeelato awood ay ku difaacato danaheeda qaran.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya looga baahan yahay inay yeelato aaladaha iyo awoodaha ay kula xisaabtami karto cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto danaheeda.
Sida uu sheegay, aaladda ugu muhiimsan ee lagu gaari karo arrintaas waa dowlad awood leh oo ka shaqeysa guud ahaan dalka, lehna hay’ado shaqeeya iyo sharci lagu wada xisaabtamo.