Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Israel aysan ka hirgeli doonin wax joogitaan ah gudaha gayiga Soomaaliya, isagoo dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo danaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad habeenimadii Khamiista lagu maamuusay guddigii qabanqaabada iyo howl-wadeennadii ka shaqeeyay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay mowqifka dowladda ee arrimaha madaxbannaanida dalka, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin joogitaan shisheeye oo wax u dhimaya qarannimada iyo midnimada dalka.
“Dalkeenna meel kuma leh nimankaas. Soomaaliya ayaa nala yiraahdaa, adduunkana sidaas ayuu noo yaqaannaa. Israel kuma guuleysan doonto inay gayigeenna degto.” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa si adag u dhaliilay Israel, isagoo ku eedeeyay inay horseeddo xasillooni darro iyo colaado halkii ay ka keeni lahayd nabad, horumar iyo iskaashi.